Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Deni oo kusii jeeda Boosaaso kuna dhawaaqaya Dagaal ka dhan ah..

Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas uu hadda ka socdo abaabul xooggan oo Madaxweynaha lagu soo dhaweenayo.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweyne Saciid Deni, ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha maanta tagayo magaalada Boosaaso, waxa uuna halkaasi kaga dhawaaqi doonaa dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sidoo kale magaalada Boosaaso kulamo kula qaadan doona masuuliyiinta maamulka gobolka Bari, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka gobolkaasi, kuwaa uu kala hadli doono gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Saciid Deni ayaa sidoo kale kala hadli doona saraakiisha ammaanka Boosaaso iyo bulshada qeybaheeda kala duwabn sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada , loogana fogaan lahaa wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgalyo xumada magaalada.

Safarka uu Madaxweyne Deni ku tagayo magaalada Boosaaso ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso laga dareemayay khilaaf u dhaxeeyay maamulka Siciid Deni iyo ciidamada awoodda badan ee PSF .

 

WARARKA