Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

SSC-Khaatumo oo dagaal cusub ah ka bilowday Gobolka togdheer.

Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal nooc cusub ka bilaabay deegaano hoostaga magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanku.

SSC ayaa sheegtay in halkaas ay ka fulisay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya, waxayna ciidamadu bartilmaameedsadeen xarumo ku yaalla halkaasi.

Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah ugu qaabilsan la dagaalanka ‘anshax xumada iyo maandooriyaha’ ayaa warbaahinta u sheegay inay cagta mariyeen goobo gaar ah oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka-dooriya, kadib xog ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo xirxireen shaqsiyaad ku eedeysan inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono sharciga.

Waxaa kale oo uu taliyuhu intaasi kusii daray in dagaalkooda uu sii socon doonno ilaa inta laga soo afjarayo guud ahaan kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ayaa howlgallo ka waday deegaanada maamulkaasi si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago wax kasta oo halis ku ah.

Si kastaba, Khaatumo ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo lagu hormarinayo deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas oo horay dagaal culus ula galay Somaliland.

WARARKA