Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Iiraan dagaal toos ah ma lagali kartaa Israa’iil?

Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si cad ugu digay Israa’iil – waa inay joojisaa weerarrada Qasa haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo.

Saacado gudahood kaddib, Iiraan ayaa beddeshay mowqifkeedii, iyadoo sheegtay inaysan soo faragelin doonin dagaalka Israaiil iyo Xamaas ilaa uu saameyn ku yeesho danaha Iiraan iyo muwaadiniinteeda.

Si kastaba, dagaalkan labada dhinac ah, ayay Iiraan markii ugu horreysayba sheegtay taageeradeeda ay u heyso kooxdan militari ee Xamaas iyo Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale uga digtay Israa’iil inay wajihi doonto cawaaqib-xumo.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Iiraan, ayaa ugu hanjabay Israa’iil in weerar gantaallo ah lagu qaadi doono magaalada Xayfa ee Israa’iil.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Qasa ay sii socon doonaan, qofna uusan awoodin inuu joojiyo Muslimiinta, sida lagu sheegay war lagu daabacay Telefishinka Iran Press.

Su’aasha ayaa haatan ah in Iiraan, oo mar walba hanjabaado iyo digniinno usoo jeedisa Israa’iil, ay dhab ahaantii awood u leedahay inay la dagaasho Israa’iil.

Professor Ashwini Mahabatra, oo ka faallooda arrimaha Aasiyada Galbeed waxna ka dhiga Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee Delhi ayaa qaba:

“Iiraan ayaa horumarisay teknoljiyaddooda in ka badan sidii hore. Waxay heystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer. Inkastoo Israa’iil ay iska caabbin karto, waxayse ka door bideysaa inay ka fogaato dagaal ay la gasho Iiraan.”

Israa’iil ayaa sidoo kale heysata hub. Waxaa sidoo kale taageera Mareykanka. Mar walba oo uu dagaal dhaco, Mareykanka ayaa taageera Israa’iil. Marka tan, uma maleynayo in Iiraan ay dooneyso inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil ,” ayuu yiri.

Professor Pramanand Mirasra, oo wax ka dhiga Jaamacadda Islaamiga ee Jamia Millia ayaa qaba isla dood taas la mid ah: “Iiraan gebi ahaanba kuma lug yeelan doonto dagaal toos ah oo Israa’iil ay la gasho sababtoo ah Israa’iil waxaa taageera Mareykanka. Sidaa darteed, ma awooddo inay isku xilli la dagaasho labo dal. ”

Waxaa intaa dheer, marka la eego dabiiciyadda siyaasadeed ee deegaanka ee Iiraan, ma oggolaaneyso inuu dalkaasi galo dagaal toos ah.

XIGASHO BBC

WARARKA