Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Talyaaniga.

Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Amb. Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay ladagaallanka argagixisada, kordhinta tababarada iyo taageerada Dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorka Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya.

 

WARARKA