Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dalada SOMA Oo Kulan ka Daah Furtay Baladweyne.

Talaado 01-10-2024 {HMC} Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA ayaa Magaalada Baladweyne Manta ku qabatay Kulan Looga Hadlayay Awood Dhisida Saxafiyiinta ee La Socodka Xaquuqda Aadanaha iyo Xorriyada Hadalka.

Kulanka waxaa ka qeeyb galay 15-qof oo iskugu jirtay Wariyaal, Boolis iyo Bahda Garsoorka Magaalada Baladweyne. Gudoomiyaha Wariyaasha Gobolka Hiiraan Mudane Jamaal Cali Cabdi oo daah furay Kulanka ayaa sheegay in Magaalada ay ka dhaceeyn Xad-gudubyo badan oo Bulshada la gaarsiiyay manta ayuu sheegay in Fursad weyn ay u tahay in Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA ay isku keentay Booliska iyo Wariyaasha sidii arimahan loo yareeyn lahaa.

Sidoo Kale Gudoomiye Jamaal ayaa dadka ka qeeyb galayo kulankan ugu baaqay in Dowlada ilaaliso Xaquuqda aadana, Si gaar ah Wariyaasha Baladweyne ku nool oo ku shaqeeyo Marxalad Adag oo Maamulo is-diidan ah, Si dhibaato aysan u gaarin.
Cabdirisaaq Axmed Hussein oo kamid ahaa macalimiiinta Cashirada Bixineeysay ayaa si Kooban uga Hadlay Ahmida Kulanka iyo ujeedka Laga leeyahay.

Cabdirisaaq Axmed Hussein oo kamid ahaa macalimiiinta Cashirada Bixineeysay ayaa si Kooban uga Hadlay Ahmida Kulanka iyo ujeedka Laga leeyahay. Waxaana uu sheegay in dhamaan dhinacyada goobta fadhiyo laga doonayo in Xaquuqda aadanaha ilaaliyaan.

Cabdifitaax Xaanshi Cismaan oo ku hadlayay Magaca Garsoorka ayaa sheegay in kulankan uu Ahmiyad gaar ah iyo Wada shaqeeyn u yahay Wariyaasha iyo bahda Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka. Waxaana ay Balan qaadeyn in Xogta garsoorka ay Wariyaasha ku heli doonan si fudud.

Kulanka inta uu socday Wariyaasha iyo Booliska ayaa ka dooday Arimaha Xaquuqda Aadaha, Waxaana Booliska iyo Bahda Garsoorka ay goobta ka sharaxeeyn Kiisas ka dhacay Magaalada iyo sida lagu xaliyay.

Yuusuf Xuseen Ibraahin oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa SOMA kaga Mahadceliyay isku Xirta iyo Wada shaqeeynta Booliska iyo Wariyaasha Baladweyne. Sargaalka ayaa sheegay in sanadkan 2024 aysan jirin Wariye Lagu xiray ama lagu xad gudbay Baladweyne taasi oo ah sida uu sheegay guul weyn oo la gaaray.

Sidoo kale Wariyaashii kulanka ka qeeyb galay oo ka kala socday Idaacadaha Magaalada ku yaalla ayaa Soo dhaweeyay kulankan, iyaga oo Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Ka codsaday in la joogteeyo kulamadan Nuucan oo kale ah, si meesha looga Saaro Tacadiyada Wariyaasha ay la kulmaan.

Dalada Soomaaliyed ee SOMA oo taageero ka heleeyso Xafiiska UNSOM ayaa qabatay shirkan, waxaana Kulanka Gaba gabadiisa Lagu Balamay in laga wada shaqeeyo Sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda Aadanaha.

WARARKA