Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Nisa oo Soo Bandhigtay Shabakad Ka Tirsan AS

Talaado 01-10-2024 {HMC}  Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 5 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Sidoo kale waxaa hay’addu ay sheegtay in sidoo kale ciidamada ay soo qabteen hub uyo qaraxyo ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneysay inay ka gaysato gudaha caasimada.

“Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana shacabka loogu baaqay inay qaataan doorkooda, si looga hortego amni darrada.

Maalmihii u dambeeyay laamaha ammanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan caasimada, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

WARARKA