Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha cusub ee booliska oo kulan mira dhal ah la qaatay safiirka Sweden.

Talaado 01-Oct- 2024 {HMC} Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye-guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga dhanka amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden u fidiso ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado.

Kulankan ayaa noqon kii ugu horreeyay ee labada masuul yeesheen, kadib markii Khamiista toddobaadkii hore ay golaha wasiirada ansixiyeen magacaabista taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano.

Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyntii helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalay taliyihii hore ee ciidanka booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya.

WARARKA