Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne Abdifitah Al-Sisi oo ka hadlay sababta ay hubka u siiyeen Somalia

Talaado 01-Oct- 2024 {HMC} Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa sheegay in taageerada Masar ee Soomaaliya aysan la xiriirin xiisada dalkiisa kala dhexeysa Itoobiya balse ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay dib ugu heli lahayd xasillooni.

El-Sisi waxa uu hadalkan ka sheegay munasaabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Boliska ee magaaladda Qaahira oo ka hor Xafladdii Qalin-jabinta Dufcad cusub.

14kii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen hab-maamuus iskaashi ciidan, kaasoo ay Qaahira ugu soo dirtay Soomaaliya gargaar militari si loo taageero loona xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya.

“Marka la eego taageerada aan siinno Soomaaliya, waxaan taageernay Soomaaliya ee ma ahan Itoobiya sababteeda, maxaa yeelay dalkan waxa uu ku jiray xasillooni darro in ka badan 30 sano,” ayuu yiri Al Sisi.

“Talaabadan ayaa qeyb ka ah taageerada Masar ay siineyso Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasilooni, la dagaalanka argagaxisada, iyo dhowrista madax banaanideeda, midnimadeeda, iyo dhulkeeda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo la sii daayay todobaadkii hore.

Tan iyo bishii Jannaayo, xiisadda Geeska Afrika ayaa sii kordhaysay, ka dib markii Somaliland oo sheegata iney ka go’day Soomaaliya ay heshiis 20-KM oo ka mid ah xeebaheeda ka mid ah ay muddo 50 sano ah ka kiraysay Itoobiya oo aan bad lahayn, taasoo ujeeddadeedu tahay inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka samaysato.

Masar ayaa marar badan ku celcelisay mowqifkeeda adag ee ay ku taageereyso midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Madaxweyne El-Sisi oo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay biyo-xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile waxa uu carabka ku adkeeyay dadaalka Masar ay ugu jirto inay wada hadalo kala duwan la yeelato Itoobiya, lagana faa’iidaysto dhammaan agabka siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ee lagaga hortagayo wax kasta oo dhibaato u keeni kara xuquuqda biyaha ee webiga Niil.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya muran ku saabsan buuxinta biyo Xireenka Nile muddo toban sano ah, iyadoo Addis Ababa ay diiday inay saxiixdo heshiis sharci ah oo ilaalinaya xuquuqda biyaha iyo baahida Masar.

WARARKA