Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo sheegtay in weerarka dhulka ah ay ku qaadday Lubnan

Talaado 01-Oct- 2024 {HMC} Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal “ xaddidan oo dhulka ah” oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, kaddib duqeymo culus oo aanan kala go laheyn oo labadi todobaad ee lasoo dhaafay ay ku garaaceysay caasimadda Lubanan ee Beurut iyo magaalooyin kale.

Ka hor inta uusan billaaban weerarka dhulka ah ee ay Isra’il xalay ku qaadday koofurta Lubnan, ayaa bayaan goor sii horreysay kasoo baxay millatariga Isra’il lagu sheegay, in ciidamadu ay billaabayaan howlgal ay ugu magac-dareen Fallaaraha Waqooyiga.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku uu yahay tuulooyinka u dhaw xadka oo khatar ku ah bay yiraahdeen bulshooyinka ku nool waqooyiga Isra’il.
Goor sii horreysay oo xalay aheyd, qaraxyo ayaa laga maqlay koofurta magaalada Beyrut. Lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi cirka ahaa.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Rueters ayaa ku warrantay, in ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen, in ciidamada Isra’il ay madaafiic ku garaaceen xalay xero ay ku nool yihiin qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taalla magaalada Sidon ee koofurta Lubnan.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa Mounir Maqdah oo ah abaanduulaha dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Fatax u qaabilsan laanta Lubnan. Lama oga in la dilay iyo in uu weerarka ka badbaaday.

Dhinaca Suuriya, warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay, in saddex qof oo rayid ah alagu dilay, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen caasimadda Suuriya ee Dimishiq saakay aroorti.

Telefeshinka dowladda Suuriya ayaa goor sii horreysay sheegay in mid ka mid ah wariyeyaashiisa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Dimishiq. Ma cadda in wariyaha uu ka mid yahay saddexda qof ee rayidka ah ee ay sheegtay warbaahinta dowladda.

WARARKA