Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaalia oo maanta soo bandhigtay Qaasim Axmed Dhuxul oo AS Ka Tirsanaa

Isniin 30-09-2024 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 28 qaybta 21aad , ayaa maanta soo bandhigay Qaasim Axmed Dhuxul Geesey oo loo yaqaano (Suulal Ceyn), kaa oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab uu sanado badan katirsanaa.

Ninkan maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa muddo sideed sano ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna go’aansaday in uu kooxdaasi isaga soo baxo isku soo dhiibo ciidamo katirsan dowladda, gaar ahaan kuwa ay isku beel yihiin.

Qaasim Axmed Dhuxul ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uga biiray deegaanka Masaajid Cali Gaduud uu kasoo jeedo 8-sanno kahor, waxa uuna ninkan tilmaamay in uu ka qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxa uu sheegay Qaasim Suulal Ceyn in Al Shabaab dhaxdooda ka jiraan dhibaatooyin badan oo sababay in uu kasoo baxo, waxa uuna intaa raaciyay in Al Shabaab ay diinta ka been sheegayaan ayna yihiin kooxda u taagan dhibaateenta shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo dhaweeneysay dagaalyahannada kooxda Al Shabaab kasoo goosaneysa, waxaana xubnaha kasoo laabta fikirka Al Shabaab dowladda geesaa xarumo loogu tala galay in lagu dhaqanceliyo.

WARARKA