Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Somaliland oo kulan muhiim ah la qaatay Mr. Einar Rystad.

Isniin 30-09-2024 {HMC} Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Norway Mr. Einar Rystad.

Waxaana Kulanka dhax maray Madaxweyne Biixi iyo ergay Einar Rystad. lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga Mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhka iu dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Norway .

Madaxweyne Muuse Biixi ayaana ergay dowladda Norwey ka socday faah faahin badan ka siiyay heshiiska is-afgaradka ay la galeen dowladda Itoobiya, waxa uuna xusay in heshiiskaasi uu yahay mid dan iyo faa’iido badan ugu jirta maamulkooda

Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Wakiilka Midowga Afrika Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Cabdilaahi Dhoolayare) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Axmed Abokor Maxamed.

WARARKA