Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dib ugu soo laabtay magaalada Jabuuti.

Isniin 30-09-2024 {HMC} Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey in madaxweyne Geelle xanuunsaday oo isbitaal loola cararay.

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa bartiisa Twitter-ka (X) kaga hadlay xaaladda Madaxeynaha, isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal.”

Wasiir Dawaare ayaa qoraalkiisa ku yiri “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, weliba aad ayuu u fiican yahay runtii, qof waa ka heli wayn karaa hoggaamiye, laakiin qof ma necbaa kartid heer aad gaarto inaad ku habaarto dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah.”

Wasiirka Maaliyada iyo qorshaynta Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaan faahfaahin ka sii bixin safarka madaxweynaha iyo waxa ka jira wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu dibadda safar dibada ah u aaday daweyn, basle ma jirto xaqiijin madax-banaan oo warbaahintu heshay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muddo dheer xukunka joogay, wuxuuna yeeshay mucaarad badan, ilaa heer uu gaaray in maanta laga sameeyey been abuur sheegaya “inuu dhintay” balse waxay xaqiijisay inuu noolyahay oo weliba socon karo.

Waxaa caawa la arkay Madaxwayne Ismaaciil oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, waxaana muuqata in halis caafimaad uusan ku jirin.

WARARKA