Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Isra’il oo duqeysay dekadda Xudeyda ee Yemen

Isniin 30-09-2024 {HMC} Isra’il ayaa sheegtay in Axaddi shalay ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil.

Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah.

Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale.

Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii wada madaafiicda ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku garaacayeen Lubnan. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay, in duqeymihi ugu danbeeyay ee Axaddi shalay lagu dilay ugu yaraan 105 qof. Dadka la dilay ayaa ku jira 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah.

Xisbullah iyo Isra’il ayaa duqeymo is weydaaranayay tan iyo 7-badi October, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Weeraradi ugu danbeyay ee ay Isra’il ka fulisay

Isra’il waxay Sabtidi sheegtay, in ay dishay ugu yaraan 20 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha ugu sarreysa ee ururka Xisbulllah oo ay ku jiro Xasan Nasrallah.

WARARKA