Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka gobolka Banaadir oo amar culus dul dhigay shacabka kunool magaalada Muqdisho

Axad 29-09-2024 {HMC} Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar cusub oo qoysaska iyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho lagu furayo inay isdiiwaan-geliyaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan diiwaan-galintan ku cusub caasimadda.

“Maamulka gobolka Banaadir markii ay arkeen tiro koob la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan caasimadda si loo helo xog sugan oo la xiriira waxaa la billaabaya diiwaan-galinta,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Waxa uu intaas kusii daray “Qoys kasta waxaa laga rabaa in ay soo gudbiyaan tirada carruurta, oo ay kamid yihiin magacyadooda, kuwa labada waalid, meelaha ay ku dhasheen iyo xogta cid kasta oo la nool qoyska iyo guud ahaan dhacdooyinka kusoo kordha sida; dhalasho cusub, dhimasho iyo ka guurid goobta ay degan yihiin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir in amarkaan uu dhaqan-gali doono 1-da bisha soo socota ee October.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in diiwaan-gelinta qoyska uu ka caawin doono qoysaska degan caasimadda inay helaan adeegyo dowladood oo ay kamid yihiin helitaanka adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha oo ay kamid tahay daryeelka caafimaadka.

Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay wax badan ka tari doonto sugnaanta xogta iyo inay adkaato in qofka ka been sheego diiwaankiisa, waana mid aad loogu baahna haddii uusan noqon mashruuc cusub oo shacabka lacag looga aruursanayo.

WARARKA