Sunday, September 29, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Miski Gabadhii taliyaha booliska hirshabelle ee Muqdisho lagu dilay – Dhacdo xanuun badan

Axad 29-Sep-2024 {HMC} Miski Xasan Dhicisow oo aheyd gabadha Taliyaha qeybta guud ee Booliska HirShabeelle iyo saaxiibteed Foos ayaa shalay kamid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii ay AS ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.

Miski iyo Foos waxaa halkaas ku celisay qadarta Alle, waxaana sidii ay u geeriyoodeen ka warbixiyey wiilal ay qaraabo ahaayeen oo la socday gabdhahaas.

Waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo wadatay hal gaari, waxay istaageen banaanka maqaayadda Geeldoox oo ku taalla dhabarka dambe ee Guriga weyn ee Hooyooyinka, waxaana gaariga ka degay wiilashii oo maqaayadda qado u doontay.

Wiilashii oo hadda nool, kana badbaaday qaraxaas ayaa ka sheekeeyey qisadaan xanuunka badan, waxayna sheegeen in labada gabdhood ay diideen inay maqaayadda u raacaan oo lasoo qadeeyaan, waxayna ku hareen gaariga oo taagnaa banaanka maqaayadda, wadada dhinaceeda.

Mid kamid ah wiilasha ayaa u soo laabtay gabdhaha, isagoo u keenay cabitaan, balse waa ka diideen oo ma cabin, wiilkii ayaa ku laabtay maqaayadda si uu u soo qadeeyo, intaas kadib waxaa dhacay qaraxa oo ahaa mid gaari lagu soo raray.

Inkastoo nooca gaariga qarxay, in dhagarqabihii keenay uu saarnaa iyo inuu ka degay inta meesha dhigay aan weli si rasmi loo xaqiijin, hadana waxaa hubaal ah in qaraxa lagu soo raray gaari soo istaagay goobta, kaasi oo galaaftay noloshii Miski Dhicisow iyo saaxiibteed Foos, dhalinyaro ay ku jiraan.

Gabdhahaan ayaa gaariga laga soo dhex bixiyey iyagoo gubanaya, waxayna ku geeriyooday isla goobta, meydkooda ayaana lagu soo aasay qabuuraha Muqdisho.

Miski Xasan Dhicisow, gabadha Taliyaha Booliska Soomaaliya ee deegaanada HirShabeelle waxaa naloo xaqiijiyey in berri ay u socotay dalka Turkiga, halkaas oo Jaamacad ay ka dhiganeysay.

Markii ay geeriyoodeen Miski iyo saaxiibteed, inta aysan musiibadu ku dhicin waxay soo salaameen Ayeeyadeed, Hooyada dhashay Taliye Xasan Dhicisow, waana soo macasalaameysay, maadaama berri ay Turkiga u socotay, balse waa Shahiiday waxaana dishay gacan ka xaq daran.

Dhacdooyinka noocaan ah iyo kuwo kasii xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo hadda la xakameeyey inta badan weerarradii AS, hadana khatar badan ayaa ka jirta caasimadda.

WARARKA