Saturday, September 28, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo soo afjarayo howlgalkiisa Ciraq dhammaadka sannadka danbe

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Bayaan ay si wada jir ah Jimcihi shalay u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah.

Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan.

Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee isbahaysiga ayaa la filayaa inay ku sii sugnaadaan magaalada Erbil. Waddamada kale, ee qeybta ka ah howlgalkaan ayaa isugu jira Jarmalka, Faransiiska, Spain, iyo Talyaaniga.

WARARKA