Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Siisii “Soomaaliya waa xubin muhiim ah oo Ka tirsan Jaamacadda Carabta, cidna uma habjabi karto.”

Jimc 27 Sep 2024 {HMC}  Madaxweynaha Masar Cabdulfatah Siisii ayaa mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Siisii ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leeyahay difaac wadareed sida ku cad Axdiga Jaamacadda Carabta.

“Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doonno inuu qofna u hanjabo Soomaaliya,” ayuu yiri Siisii.

Waxa uu sidoo kale ku daray in Masar ay si adag u garab istaagi doonto Soomaaliya haddii ay ka codsadaan taageerada difaaca qaranimadeeda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, gaar ahaan kaddib markii Masar ay usoo rartay hub iyo qalab milatari oo ay ugu talo gashay in lagu taageero ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa horey uga muujisay walaac ku saabsan hubka Masar ay siisay Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay khatar gelin karto ammaanka gobolka.

WARARKA