Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Nin ka mid ahaa burcadii qabsatay Markabkii MV Abdalla oo Gacanta Lagusoo Dhigay

Jimco 27 Sep 2024 {HMC} Ciidamada PMPF ee ka hawlgala degmada Eyl ee gobolka Nugaal iyo ciidanka Booliska degmadaasi oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle).

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Burcad Badeed qabsaday 12kii March, 2024 Markabkii MV ABDALLA ee laga lahaa dalka Bangaladesh, sidda uu Taliska PMPF ku sheegay qoraal.

Taliska ayaa sheegay in hawlgal ay aroornimadii hore ee saaka si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska iyo kuwa PMPF oo ka dhacay degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagu soo qabtay eedaysane Soolle.

“Ciidanka oo la socday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska Puntland.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 5 malyan oo doolar sida uu tilmaamay Booliska Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa horey ugu qabtay qaar ka mid ah degaanada Maamulkaas xubno ka mid ahaa burcad badeedii qabsatay markabkaas oo uu ku jiray talihihii horkacayey.

WARARKA