Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Abdiraxmaan Abdishakuur oo cambaareeyay Safarkii saakay loo diiday xildhibaan wiilkiisa dhintay

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Waxaa saakay loo diiday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofo Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ( Ciiro ) oo kusii jeeday magaalada Baydhabo uu sheegay in uu uga qeyb gali lahaa tacsida wiil uu dhalay oo geeriyooday.

Ciidamo katirsan hay’adda nabadsugida Soomaaliya ayaa xildhibaanka u diiday in uu garoonka ka baxo uuna aado magaalada Baydhabo, waxa ayna xildhibaanka danta ku qasabtay in uu dib uga soo laabto garoonka Aadan Cadde markii ay dhooftay diyaaradii uu raaci lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay safarka saakay loo diiday xildhibaan Ciiro in Baydhabo ugu baxo, waxa uuna xusay in tani xadgudub ku tahay xurriyadda safarka iyo sidoo kale dastuurka dalka u yaalla.

”Waxaan canbaaraynayaa safarka ay maanta hay’adda Nabadsugidda ka xanibtay xildhibaan Maxamad Sheikh C/llaahi (Ciro) oo u safrayey magaalada Baydhabo. Waa xildhibaankii labaad oo safar loo diido. Xorriyadda safarka waxa ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka, kumana sii jiro xildhibaan xasaanad leh” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in safar u diidista xildhibaannada iyo hanjabaada Madaxweynaha ee muujineyso saan saan halisteeda leh, isagoona xusay in ku takrifalka awoodda iyo xadgudbka yahay kii dalkeena u horseeday bur burka iyo kalataga.

”Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda;; ayuu yiri xildhibaanka.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya ayaana sababay in xildhibaannada qaar laga hor istaago in ay u safraan magaalada Baydhabo, taas oona xildhibaannada mucaardaka walaac ka muujiyeen sida ay madaxda dowladda hadda u dhaqmayaan.

WARARKA