Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Garoonka Aadan Cadde oo Laga Ciliyay Xildhibaan Ka Tisan BJFS

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa saakay loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xildhibaankan ayaana la sheegay in uu kusii jeeday magaalada Baydhabo oo laga soo doortay.

Ciidamo katrirsan hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa u diiday Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ( Ciiro ) in uu ka dhoofo Muqdisho, waxaana xildhibaanka lagu wargaliyay in uusan u dhoofi karin magaalada Baydhabo uu kusii jeeday.

Maalmo kahor ayaana sidaan oo kale ciidanka nabadsugida ugu diideen in magaalada Baydhabo aado xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdullaahi, waxaana labo maalin kaddib xildhibaannada loo ogolaaday in ay aado magaalada Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaana ka hadlin sababaha ay xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu diidayo in ay u dhoofaan magaalada Baydhabo, waxa ayna arrintan muujineysaa in wali khilaaf xooggan ka dhax jirio Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen ayaana gaaray meeshii ugu xumeyd muddooyinkan, waxaana marar badan fashilmay waan waan lagu doonayay in khilaafka labada dhinac ka dhax jira xal loogu helo.

WARARKA