Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

SSC Khaatumo oo digniin adag u dirtay maamulka Puntland

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa si kulul uga horyimid talaabo uu qaaday maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka SSC Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame ayaa xadgudub iyo meel ka dhac ku tilmaamay in Puntland ay sheegato qeybo ka mid ah dhulka SSC Khaatumo.

”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka Dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah, waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame.

Wasiir Warfaafinta SSC Khaatumo ayaa sidoo kale uga digay hay’adaha arintaan ka qayb qaadanaya iney ka fogaadaan wax walba oo keeni kara khatar amni oo ka dhalan karta murun dhuleed, wuxuuna xusay in SSC Khaatumo ay diyaar u tahay inay difaacato dhulkeeda iyo dadka degan.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiir Najiib Barkhadle Warsame ayaa kusoo aadaya, iyadoo Puntland ay qorsheyneyso iney ka hirgelineyso qaybo ka mid ah Sool iyo Cayn Mashaariic ay ka heshay dowlada Jarmalka, taasoo ay fulineyso Hay’adda Uniceif ee Soomaaliya.

WARARKA