Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

dhaqaalaha Israel uga baxay weerarkii ay Lubnan ku qaaday oo la shaaciyey.

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Wargeyska ka soo baxa Israa’iil ee Haaretz ayaa sheegay inay Israa’iil ka walaacsantahay in ka badan 40,000 oo dagaalyahan oo ka kala yimid Suuriya, Ciraaq iyo Yemen oo xilligan ku sugan aaggaga buuraha Golan ee koonfur-galbeed dalka Suuriya oo xad la leh buuraha ay heysato Israa’iil ee Golan Heights.

Dagaalyahannadan ayaa la sheegay inay sugayaan ku dhawaaqista dagaal ka dhan ah Israa’iil oo ka timaada dhinaca hoggaamiyaha ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Maxamed Al-Sudani ayaa amar ku bixiyay in la furo xadduudda dhinac Lubnaan si shuruud la’aan ahna loo soo dhaweeyo dadka ka soo barakacaya duulaanka ay Israa’iil ka wado gudaha Lubnaan , iyadoo dal ku galka looga dhigay muwaadiniinta Lubnaan iyo dadka ka soo barakacaya duulaankaa bilaash.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay taageerrada ay dawladda Ciraaq siinayso dadka reer Lubnaan. Shalay sidan oo kale dawladda Ciraaq waxay ballanqaad inay bixin doonto dhammaan shidaalka ku baxaya isbitaallada Lubnaan ee la tacaalaya kumannaanka dhaawacyada ka dhashay duqeymaha Israa’iil.

Go’aanka dawladda Ciraaq wuxuu yimid kaddib markii dawladda Lubnaan ay ku dhawaaqday inay buuxsameen iskuullada iyo goobaha kale ay u diyaarisay dadka ka soo barakacaya gobollada ay sida joogtada ah u duqeynayso Israa’iil oo koonfurta Lubnaan ay ku jirto, taasoo ay ka dhalatay in gudaha Lubnaan laga waayo gaar ahaan caasimadda Beirut hoteello iyo goobo kale oo la dejiyo dadka soo barakacay.

Aduun gaaraya 173 milyan oo dollar ayaa la sheegay inay Israa’iil uga baxday duqeymihii ugu sarreeyay ee shalay ay ku qaaday Lubnaan oo socday ku dhowaad 24 saac.

Taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil, Herzi Halev wuxuu sheegay inaysan wax heshiis ah la geli doonin ururka Xisbullah oo ay ballaarin doonaan duulaankooda ay ka wadaan gudaha Lubnaan.

Israa’iil ayaa si aan leexad lahayn u doonaysa dagaal weyne , kaas oo aan la qiyaasi karin illaa inta uu gaarayo , hab-dhaqanka uu Netanyahu ku hoggaaminayo ayaanna muujinaya in meel aan laga soo qaban karin uu ku riday ‘furihii nabadda’ gobolka bariga dhexe.

WARARKA