Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir FIQI oo si kulul ugu jawaabay hadalkii kasoo yeeray itoobiya.

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul ugu jawaabay Itoobiya oo maanta ka hadashay hubka Masar ay keentay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyay xiisadda ka taagan gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay inay ka imaan karto halis kale oo wayn.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh.

“Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiir Axmed Macallin oo sheegay in warkan Itoobiya ay ku qarineyso hubka sharci darrada ah ee kasoo geliso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkaas uu u gacan galayo shacabka iyo kooxaha argagixisada ah ee halis ku haya amniga Soomaaliya iyo guud ahaan ee gobolka.

Hadalka Fiqi waxaa kasii horreeyay mid kale oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay 20-kii bishan soo saartay, kaas oo ay si kulul ugu cambaareysay shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Puntland.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika.

WARARKA