Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Turkiga oo Mareykanka udiray dalab culus oo la xariira xanibaada……

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee xannibaya qaar ka mid ah iibsashada difaaca ee dalkiisa iyo tallaabooyin kale ee “halka dhinac ah”.

Erdogan ayaa xayiraadahan ku sheegay in ay caqabad ku yihiin awoodda labadan dal ee xulufada NATO ah ku gaari karaan bartilmaameedyadooda ganacsi.

Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Washington ayaa sannadihii la soo dhaafay aad u xumaaday sababo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin; ku kala aragti duwanaashaha siyaasadda Bariga Mediterranean-ka, Suuriya iyo Gaza.

Waxay sidoo kale ku kala tageen soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400, taasi oo dhalisay in Maraykanka uu cunaqabatayn saaro Turkey 2019-kii, lagana saaro Barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Hase yeeshee kadib Ankara waxay xaqiijisay inay Washington ka soo iibsato 40 diyaaradaha F-16 ah iyo 79 qalab kale oo casri ah. Heshiiska ayaa la ansixiyay ka dib markii Turkiga uu ogolaaday dalabka ay Sweden ee ku biiritaanka NATO, taasi oo hoggaamisay in xiriirka uu soo hagaago.

Ankara iyo Washington waxay leeyihiin yool fog oo ah $100 bilyan oo ganacsi laba geesood ah, taasi oo aad uga badan ganacsigii 2023 oo ahaa $30 bilyan.

Intii lagu guda jiray booqashadii New York ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu u sheegay ganacsatada Turkiga iyo Mareykanka, inkasta oo uu rumeysan yahay in hadafkaas uu suurtagal yahay in la gaaro, haddana iskaashiga dhinaca difaaca ” uu hoos u dhacay” sababo la xiriira xayiraadaha.

“Tallaabooyinka halka dhinac ah, sida canshuuraha dheeraadka ah ee qaybaha birta iyo aluminium-ka, baaritaannada iyo cunaqabateynta CAATSA waxay u baahan yihiin in la baabi’iyo,” ayuu yiri Isniintii, isaga oo tixraacaya CAATSA oo laga soo gaabiyo Ka-hortagga Cadawga Mareykanka ayada oo la adeegsanayo Xeerar Cunaqabatayn.

“Waxaan rajeynayaa inaan bog cusub furnay kadib mashruucii casriyeynta ee F-16, waxaana rajeyneynaa in xayiraadaha dhoofinta ee dhinacan si joogto ah loo qaado,” ayuu Erdogan ku daray.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Turkigu uu faa’iido u leeyahay socodka sahayda, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashiga xagga wax soo saarka iyo soo iibinta rasaasta 155mm – oo muhiim u ah dagaalka Ukraine iyo Ruushka.

Washington ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay dhowr qof oo Turkish ah iyo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu eedeeyay inay jebinayaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka.

Turkiga ayaa taageera Ukraine, balse wuxuu ka soo horjeedaa cunaqabateynta Ruushka, inkasta oo uu sheegay inaan lagu jebin doonin dhulka Turkiga.

Ka sokow diyaaradaha F-16, Turkigu waxa uu sidoo kale danaynayaa dayuuradaha Eurofighter Typhoon ee Jarmalka, Britain iyo Spain, balse waxa uu ka cawday horusocod la’aan ka dhalatay diidmada Berlin.

Isniintii Erdogan wuxuu New York kula kulmay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo intaas ku daray inuu u gudbiyay in Ankara ay diyaar u tahay inay horumariso iskaashiga dhinac walba iyo ka faa’iidaysiga fursadaha wadajirka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac.

WARARKA