Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Abdiraxmaan Abdishakuur “Wadahadalka kasoo yeeray Puntland Wuxuu fursad Weyn oo ay Madaxda Sare “

Talaado 24-Sep-2024 {HMC}  Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in maamulkiisa diyaar u yahay wada hadal ay la gasho dowladda Federaalka, si loo dhameeyo khilaafaadka xooggan ee xilligan ka dhax jira labada dhinac.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in baaqa wadahadalka ee kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu yahay fursad weyn oo ay madaxda sare ee dowladda Federaalka ka faa’iideysan karaan.

Waxa uuna xusay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur in xlligan baahi weyn loo qabo midnimo iyo wadajir Soomaali dhaxdeeda ah, si looga hortago damaca dalalka shisheeye iyo dagaalka argagaxisada ka wado gudaha dalka.

”Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan, sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kala tagay doorashadii kaddib, waxaana la sheegay in kala tagaasi sabab u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ballamo badan uga baxay Siciid Denmi oo sabab u ahaa in Xasan Sheekh Madaxweyne dalka ka noqdo.

WARARKA