Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Masar oo ka hadashay Sababta ay hubka usiisay Soomaaliya.

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Dowladda Masar ayaa war rasmi ah kasoo saartay hub iyo saanad ciidan oo shalay ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho.

Masar ayaa xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

“Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Sidoo kale waxaa qoraalka Masar lagu sheegay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah.

Bayaanka Masar ayaa imanaya saacado un kadib markii uu dekedda Muqdisho kusoo xirtay markab dagaal oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan oo Masar ugu tala-gashay ciidamada xoogga dalka.

Muddooyinkan dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhawaan un aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid Masar ayaa noqonayaa kii labaad, iyadoo kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka kooban yahay oo ay ku jireen kuwo waaweyn.

WARARKA