Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Puntland oo sheegtay ineey diyaar utahay wadahadal ay la galayso Dowlada Soomaaliya

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Deni ayaa xusay in Puntland ay dood adag qabto ayna rabto in lagu falaqeeyo meel fagaare ah garsoorayaalna ay ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahayna lagu qanciyo haddii ay saxan tahayna laga garaabo mowqifkeeda.

“Waxaan halkaan ka cadaynayaa in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadal furan maaha mid qarsoodi ah. Doodeena Soomaali markhaati haka noqoto, hadaan khaldanahay hanala arko, hadii aan saxanahayna Soomaali hanaloo garaabo” ayuu yiri Deni.

Waxaa uu tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay inay maal-galiso wadahadalladaas, isagoo ka digay in haddii xaaladda wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo isagoo tusaale ahaan u xusay Somaliland.

Hadalkan ayuu ka sheegay Munaasabad casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC ee ka socday Garowe.

“Xiligan waxaa soo baxday in dadkii Soomaaliyeed qaarkood lagga saaro Soomaalinimadda, weliba masuuliyiin ay sidaas samaynayaan. Arintaas ma aha arrin iska dhacday ee waa mid la soo abaabulay sidday u muuqato, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay inaan tallaab laga qaadin, dalkan meel khatar ah buu ku socdaa runtii” ayuu sidoo kale yiri Deni oo u muuqday inuu ka hadlayey khilaafka ka dhex curtay DF iyo maamulka K/Galbeed.

Isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, ayuu sheegay in ay si kedis ah isku bedelayaan, waxyaabaha ka dhalanaya ay Soomaaliya saameyn weyn ku reebi doonaan, isagoo sheegay in uu walaaca la qabo madaxdii kale duwanaa ee qodobkan ka hadashay.

Deni ayaa sheegay in laga shaqeynayo kala geynta bulshada Soomaaliyeed, dawlad dhiska oo waqti badan laga soo maray iyo dhib badan ayuu sheegay in hadda madaxda DFS ay ka shaqeynayaan go’aano iyo marxalad halis badan oo dalka dib u celin kara, abuuri kartana Hoggaamiye kooxeedyada waqtigoodii wixii jiray.

Waxaa uu muujiyey walaaca halista ah ee Puntland ka qabto hanaanka dawladnimada Soomaaliya, oo kusii socda in lakala sheegto, qabaa`ilo iyo kooxo la abaabulay

WARARKA