Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta si rasmi ah ufurmaya.

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Maanta oo Talaada ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah magaalada New York uga billowdaan khudbadaha hogaamiyaasha dunida ay ka jeedin doonaan, shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ah kii 79-aad, ayaa waxaa ka qeybgayala kana hadli doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku xigeen, labo amiir, 42 madax dowladeed, 9 ra’iisul wasaare ku xigeen, iyo 54 wasiir.Madaxda maanta ka hadleysa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa.

WARARKA