Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa looga Hadlay Kulankii dhaxmaray Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya Masar iyo Eritrea,?

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

 

WARARKA