Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Safiirka Dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya & Qoor Qoor oo Kulmay

ISNIIN 23-09-2024 {HMC}  Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Dhuusamareeb.

Qoorqoor iyo safiirka dowladda Turkiga ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo waddooyinka.

Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa ku amaanay Madaxweyne Qoorqoor horumarka uu gaarsiiyay Galmudug, waxa uuna safiirka ballanqaaday in dowladiisa mashaariicyo horumarineed ka fulin doonto deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Qooqoor ayaana uga mahadceliyay safiirka dowladda Turkiga booqashada isaga iyo wafdigiisa ku yimaadeen Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in ay rajeenayaan in Turkiga sii wadi doono taageerada ay siinayaan Galmudug , gaar ahaan masharaiicda horumarinta ee Galmudug ka socota.

WARARKA