Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Difaaca “Danteena Anagaa naqaana, Sokeeyaheena iyo Shisheeyaheena Anagaa Kala Xulaneyno”

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegayay in dekadda magaalada Muqdisho xalay kusoo xirtay markab weyn oo siday hub kala duwan, kaa oo la sheegay in dowladda Soomaaliya loogu deeqay , halka hubka qaarkiisna dowladda soo iibsatay.

Hubkan dekadda magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ayaana wararku shyeehgayaan in u ka yimid dhinaca dalka Masar oo dowladda la saxiixatay heshiis dhinaca difaaca ah, waxaana hubkan u badan yihiin kuwa casri ah oo ay ciidanka Soomaaliya adeegsan doonaan markii ugu horreysay.

Xiriirka dowladda Soomaaliya la sameesatay dowladda Masar ayaana sii xoojiyay khilaafka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ayna dowladda sidoo kale dooneysaa in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Masar in dalka la keeno.

Wasiirak Difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur , ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Soomaaliya ay xilligan ka gudubtay xilligii la oran jiray cidaa la macaamileyso waa in aan raali ka nahay.

Waxa uuna sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay tahay mid danteeda taqaan, sidoo kale kala garaneysa cidda cadawga u ah iyo cidda u wannaagsan, isagoona qoraalkiisa u muuqday mid uu ku durayo dowladda Itoobiya oo ka xun xiriirka Soomaaliya la yeetaya Masar.

”Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay. Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaana kala saxixday heshii dhinaca iskaadhiha difaaca, waxaana heshiiskaasi walaac xooggan ka muunjisay dowladda Itoobiya oo khilaaf xooggan xilligan kala dhaxeeyo dowladda Masar oo ay isku hayaan biyo xireenka wabiga Niil.

WARARKA