Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo sheegtay aysan doonayn deked, balse ay doonayaan inay bad helaan.

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} La taliyihii hore ee amniga raysal wasaaraha Itoobiya ahna agaasimihii Guud ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa ka dhawaajiyay Itoobiya in aysan doonayn deked, balse ay doonayaan inay bad helaan.

Redwan Hussien ayaa aaminsan in Itoobiya mar hore lumisay fursad ay bad ku heli kartid, hase ahaatee, markaan wuxuu sheegay wax kaste haku qaadatee inay Itoobiya ka go’an tahay inay bad hesho

“Waa inaan Bad helnaa ujeedkeena ma ahan Deked, wax kasta ay nagu qaadato waxaan luminay fursadeenii ugu horeysa xiligii Mililiq. Laakiin hadda nagama hoos bixi doonto,” ayuu yiri Redwan Hussien

Horraantii sannadkan ayaa wareysi laga qaaday sarkaalkan mar uu ahaa la taliyaha amniga ee raysal wasaare Abiy, wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla ogaayeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxeexay.

Redwan wuxuu aaminsan yahay Somaliland in ay tahay maamul-goboleed Soomaaliya ka go’ay. Waxa uu sheegay 20 kiiloomitir oo ay ka helaan badda Cas inay ka caawinayso ciidamada badda ee Itoobiya fursad ay ku helaan tababaro ka sakow in dalka uu yeesho dekeddiisa soo dejinta iyo dhoofinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey riyo maalmeed ugu tilmaamtay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya. Dowladdu waxay sheegtay inay Itoobiya faraha kula jirto arrimo xadgudub ku ah qaranimadeeda iyo madax bannaanideeda.

WARARKA