Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday doorashada Sri Lanka

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Natiijo hordhac ah oo saaka kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee Sabtidi shalay ka dhacday dalka Sri Lanka ayaa muujineysa in codadka ilaa hadda la tiriyay uu ku horreeyo hoggaamiyaha u janjeera dhanka fikirka maarkisiyada ee Anura Kumara Dissanayake.

Dissanayake ayaa ku guuleystay boqolkiiba 53 codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, sidaasi waxaa Axadda maanta ah shaaciyay guddiga doorashada. Waxaa kaalinta labaad ku jira hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa oo leh 22%, halka kaalinta saddexaad uu ku jiro madaxweyne Ranil Wickremesinghe.

Anura Kumara ayaa haddii uu guuleysto waxaa sugeysa shaqo adag oo ay ugu horreyso kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo dalka ragaadiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad, taasoo keentay in dad ay awoodi waayaan in ay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida gaaska, dawada iyo cuntada.

WARARKA