Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xisbullah oo gantaallo ku duqeysay Isra’il Xilli xaalada bariga dhaxe ay kasii darayso.

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Ururka Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay Axaddii shalay ku weerartay saldhig millatari oo ku yaalla gunta Isra’il, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xisbullah.

Ma cadda in gantaallada Xisbullah ay ku weerartay Isra’il ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Isra’il ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray.

Warbaahinta gudaha Isra’il ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa.

Xisbullah waxay sheegtay in ay Isra’il ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan.

Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Isra’il ee Ramat David eek u yaalla koofur bari ee magaalada Xeyfa.

Weeraro isugu jiray duqeyn cirka ah iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado is-gaarsiineed oo ay Xisbullah dibadda kasoo iibsatay oo ka dhacay Lubnaan, ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,000 oo ruux.

Ra’isulwasaaraha Lubnan Najib Mikati ayaa sheegay inuu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada New York oo uu uga qeybgali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

WARARKA