Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Hirshabeelle oo Biloowday Howgal Lagu Burburinayo Isbaarooyinka.

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Booliska HirShabelle ka sameeyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo isbaaro soo dhigtay halkaasi, waxaana la geeyay saldhigga degmada Jowhar.

Taliyaha saldhigga Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan oo lagu soo qabtay 4 nin oo burcad ah, wuxuuna sheegay inay saaka ka war heleen, kadib ay ciidamo u direen, sidaasna lagu soo qabtay.

“Waxaa saaka nasoo gaartay in niman burcad ah ay waddada ku jiraan dadka ay dhibaateynooyaan kadib ciidamada amniga ayaan u dirnay, waxaana lasoo qabtay iyaga oo qoryahoodii haysto iyo waxa ay dhaceen” ayuu tiri taliyaha saldhigga magaalada Jowhar.

Bashiir Xasan Xalfooy ayaa sidoo kale xusay in cid kasta oo isbaaro dhigato ay ka hortegi doonaan, ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

“Dadka dhaca gaystay ee waddada u gala shacabka nooc kasto oo ay yihiin tallaabo ayaa laga qaadayaa sharcigana waan la tiigsaneynaa” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka isbaarada dhiganaayo dagaal ayaa naga dhexeeyo awooddooda haku tashadaano saacad kastana inaan umadda wixii dhibaayo ka qabanayo annaga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadnay”.

Ammaanka waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii dambe aad u xumaa, waxaana sidoo kale weeraro ka gaysta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

WARARKA