Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaliland oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay James Swan

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan oo Hargeysa booqasho ku yimid.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka , doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee deegaannada Somaliland kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Ambassador James Swan, ayaa ku amaanay Madaxweynaha maamulka Somaliland sida loo qorsheenayo doorashooyinka isku sidkan, waxa uuna xusay in Qaramada Midoobay ay si dhaw ula socon doonto doorashada Madaxweynaha ee bisha November ka dhaceysa Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire

WARARKA