Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka jira In Ruto oo ka saaray Rigathi WhatsApp groupka Madaxtooyada?

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Waxaa bannaanka usoo baxaya khilaafka xooggan ee xilligan ka dhaxeeya Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo kuxigeenkiisa Rigathi Gachagua, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay la tabinayay in uu khilaaf ka dhax bilowday.

War kooban uu soo saatay Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, ayuu ku sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyo William Ruto, waxa uuna sheegay in hadda laga saaray group-kii WhatsApp-ka shaqada madaxtooyada la iskula wadaagi jiray.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in uusan hadda waxba kala socon shaqada ka socota madaxtooyada Kenya, waxa uuna xusay in gabi ahaan laga saaray WhatsAppkii uu kala socon jiray halka ay wax marayaan iyo shaqada socota.

Warkan kasoo yeeray Madaxweyne kuxigeemka dalka Kenya ayaan jirin jawaab uu ka bixiyay dhinaca Madaxweyne William Ruto, waxaana dad badan rumeesan yihiin in labada masuul oo saaxiibo dhaw ahaa hadda sii kala tagayaan.

WARARKA