Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Doowladda oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaanno Dhaca Duleedka Xudur

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgala gobolka Bakool, ayaa saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhaca duleedka magaalada Xudur ee caasimadda gobolka Bakool.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka xoogga dalka ayaa saakay howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Qeydar-Adde oo 30km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

Dagaal xooggan ayaa ciidanka xoogag dalka iyo Al Shabaab ku dhax maray deegaanka Qeydar-Adde, waxaana halkaasi la sheegay in khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al Shabaab katirsanaa.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in deeganka ay ciidamada weerarka ku qaadeen fariisimo ku lahaayeen Al Shabaab, waxa ay sidoo kale tilmaameen in deegaankaasi ku yaaleen xeryo Al Shabaab ay dhallinyarada ku tababaraan.

Kooxda Al Shabaab ayaa go’doomisay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxa ayna Al Shabaab joogaan inta badan tuulooyinka iyo deegaannada dhaca duleedka degmadaasi oo go’doon ku jirta muddo sannado badan ah.

WARARKA