Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

AS oo qasaaro lagu gaarsiiyay howlgal culus oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Bakool.

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo ay qaadeen ciidamada dowladda oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda AS

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Qeydar-Cadde oo hoos yimaada magaalada Xudur, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo howlgalkan qaaday ayaa shaaca ka qaaday inay beegsatay xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd halkaasi, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen, gaar ahaan khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma faah-faahin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in la wareegeen saldhig iyo xero tababar oo ay AS ku laheyd deegaanka Qeydar-Cadde oo hoostaga gobolka Bakool.

Waxaa kale oo ay saraakiishu intaasi kusii dareen inay howlgalkan ku furteen agabkii yiilay xerada, kaas oo ahaa saannad ciidan oo kala duwan.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda AS oo ku aadan howlgalka ka dhacay aagga degmada Xudur ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Xoogga.

Xaalad kacsanaan ah ayaa la warinayaa in weli ka taagan tahay deegaanka lagu dagaalamay oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi galbeed ka xigay Xudur.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka AS ayaa waxaa badanaa ka dhaco howlgallo ay si wadajir ah u sameeyaan Koonfur Galbeed iyo dowladda.

WARARKA