Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Duqii Magaalada Gaalkacyo oo Xilkii iska Casilay

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} –  Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in maanta uu si rasmi ah isku casilay duqii magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Jidka).

Duqa magaalada Gaalkacyo oo maanta kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada magaalada ku dhaqan , ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii duqa magaalada oo horey loogu doortay doorasho qof iyo cod ah oo magaalada lagu qabtay.

Xasan Jidka ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu maanta banneeyo xafiiska uuna iska casilay xilkii loo doortay, waxa uuna cafis ka dalbaday bulshada magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan kuwa uu sheegay in ay wax ka tabanayaan intii uu xilka hayay.

Duqa magaalada Gaalkacyo ayaana si rasmi ah u shaacin sababta keentay in uu xilka iska casilo, waxaana la filayaa in dhawaan la doorto duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo ee beddeli doona duqa maanta iska casilay xilkii loo doortay.

WARARKA