Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Biden oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjire Daahir Carab

Jimco 20, Sep 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Washington Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab).

Danjire Daahir Carab ayaa Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Carab ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, islamarkaana uu uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

WARARKA