Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo duqeymo cirka ah ka fulisay koonfurta Lubnaan

Jimco 20, Sep 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyadoo hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah uu waday qudbadda cambaareynta weerarkii aaladaha lagu xiriiro kuwaas oo qarxay maalmo kahor.

Diyaaradahaas ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwa dagaalka Israa’iil.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay duqeymo cusub fulisay.

Khudbadda Xasan Nasrallah waxa uu ku canbaareeyay qaraxyadii aaladaha lagu wada xiriiro, iyo weerarka cusub ee ay Israa’iil sheegatay

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant oo kulan la yeeshay saraakiisha millatariga Israa’iil waxa uu sheegay in talaabada ka dhanka ah Xisbullah “ay sii socon doonto”, laakiin ay leedahay “khatarta weyn”. ayuu yiri.

WARARKA