Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Golihiisa Wasiirrada

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay golihiisa Wasiiradda, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta xilligan.

Laftagareen iyo golihiisa Wasiiradda ayaa kulanka intii uu socday si weyn uga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan ka taagan deegaannada mamaulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la wadaagay golihiisa wasiiradda khilaafka hadda ka dhax jira isaga iyo Villa Soomaaliya, waxa uuna ku eedeeyay madaxda dalka in ay ka shaqeenayaan bur burka iyo kala taga maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankan maanta la yeeshay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen golihiisa wasiiradda ayaa imaanaya xilli uu jiro khilaaf meel xun gaaray oo ka dhax jira isaga iyo madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha.

 

WARARKA