Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wafdi ka socday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo la kulmay Madaxweyne Biixi

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabiley wefti ballaadhan oo ka kooban xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda dalalka Kenya iyo Ethiopia oo Somaliland u joogay shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo ujeedadiisu ahayd dhiirigelinta haweenka iyo khibrad wanaaga arrimaha haweenka.

Ugu horayn madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku soo dhaweeyey dalka ayaa uga waramay marxaladihii dalkani soo maray iyo halka uu wakhtigan marayo oo ku yimi dedaal qaran oo ay ka midho dhaliyeen dawladihii xukunka u kala danbeeyey iyo shacbiga Somaliland oo ah kuwo marwalba barbartaagan Dawladooda ilaashadana madax-bannaanida Qaran-nimadooda.

Weftiguna waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqeen sida milkaha iyo sharafta leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Hargeysa, waxaanay la dhaceen kana hadleen horumarka dhinacyada kala duwan leh ee dalku ku tallaabsaday.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo ka kooban Wasiir Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), Wasiir ku xigeen Marwo Yurub Abiib Cabdi, Agaasimaha Guud Mudane Axmed Xasan Aw Aadan, Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye iyo Muuna Ciise Mahad.

Dhinaca weftiguna waxay kala ahaayeen Senator Hamida Ali Kibwana oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Kenya, Xildhibaanada kala ah Faadumo Cali, Ummulkheir Kassim, Ngelechei Caroline Jeptoo oo ka mida Baarlamaanka Kenya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Jinsiga iyo Dhallaanka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Marwo Ubax Cabdiraxmaan.

WARARKA