Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madax Ka tirsan Maamulka Hiiraan State oo Magaalada Godeey Kulan Kula Qaatay Saraakiil itoobiyaan ah

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Godey — Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hiiraan State Ayaa Oo ka Amba baxay Magaalada Baladweyne Shalay ayaa Gaaray Magaalada Feerfeer Itoobiya Halkaasi oo Soo dhaweeyn Kooban Loogu Soo dhaweeyay.

Intaasi Kadib Masuuyiintan ayaa Loo qaaday Magaalada Godeey oo ay ku Sugan yahiin Saldhig ku yaala Saraakiil iyo Madax Itoobiyaan.

Ilaa iyo Si dhab ah Looma Oga Ujeedka safarka Masuuliyiinta Oo Markii ugu Horeeysay Godey Gaaray.

Dhawaan Ayey aheyd Markii Cabdullaahi Ganeey oo Hiiraan State Ugu Magacaaban Madadweyne iyo Madax kale ay Xaduudka Gobolka Hiiraan iyo dowlada Deegaanka Soomaalida ay ka taageeyreyn Joogitaanta Ciidamada Itoobiya ee Somaaliya. Wxaana ay kasoo Horjeesteen Ciidamada Masar ee Soomaaliya la keenayo.

Itoobiya ayaa Wado Qorsho ay Heshiis Dhor oo Wada shaqeeyn ah kula galeeyso Macaaradka Hiiraan ku sugan

WARARKA