Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Aalado kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xisbullah

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen, ayaa Arbacadi shalay ku qarxay meelo badan oo ka mid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Tani ayaa imaneysa maalin kaddib marki ay ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac.

Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah.

Isra’il si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant, ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Isra’il Arbacadii sheegay, in Isra’il ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal.

Ma uusan soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yiri “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.”

Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Isra’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto.

WARARKA