Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Sunnigii ugu horeeyey ee barasaab ah oo ay Iran yeelatay 45 sano kadib

Arbaco 18 -09-2024 {HMC} Tehran — Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Arbacadii u magacaabay xubin ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Sunniga ah, inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Kurdistan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda.

Arash Zerehtan ayaa loo magacaabay barasaabka gobolka galbeedka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Fatemeh Mohajerani.

Waa Sunnigii ugu horeeyay ee laga dhigo barasaabka gobol ka tirsan dalka ay Shiicadu u badan tahay tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

Zerehtan, oo 48 jir ah, waxa uu soo noqday xildhibaan laga soo doorto magaalada Paveh intii u dhaxaysay 2020 ilaa sanadkan.

Sunniuyiinta ayaa ah boqolkiiba 10 dadka reer Iran, halkaas oo ay u badan yihiin Shiicada, Islamarkaana diinta Shiicada ay tahay diinta rasmiga ah ee dawladda.

Waxay ahaayeen kuwo aad naadir ugu ah inay qabtaan jagooyinka muhiimka ah ee awoodda tan iyo billowga kacaanka.

Pezeshkian, oo 69 jir ah, ayaa xafiiska la wareegay bishii Luulyo ka dib doorasho lasoo hormariyey oo dhacday ka dib geeridii madaxweynihii aadka muxaafidka u ahaa Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed helikobtar ah.

Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, Pezeshkian waxa uu dhaleeceeyay matalaad la’aanta qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Kurdiyiinta Sunniga ah, oo xilal muhiim ah aan hayn.

Bishii Agoosto, wuxuu xubin kale oo ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee Sunniga, Abdolkarim Hosseinzadeh, ka dhigay mid ka mid ah madaxweyne ku-xigeenadiisa.

WARARKA