Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DEG DEG: Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay kiiska SAYID-CALI

Arbaco 18-Sept-2024 {HMC} Maxkamadda Sare ee dalka oo maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, ayaa ka gaartay go’aan rasmi ah, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Fadhiga maanta oo uu soo xiray guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa sheegay in Sayid-Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu si kas ah u dilay marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maxkamaddu ay go’aankii dilka toogashada ahaa ku raacday maxkamadda racfaanka iyo tii darajada koowaad ee horay usoo xukumay Sayid Cali.

Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali, mana jiri doono racfaan kale oo uu ka qaadan doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Dhinaca kale waxaa soo dhaweeyay go’aankan ehellada marxuumadda oo uu ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis oo muddo dheer sugayay cadaalad ay hesho gabadhiisa.

WARARKA