Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Baraawe oo war ka soo saaray Muranka DF iyo KGS.

Arbaco 18-Sept-2024 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe oo ka hadlay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geysay degmadaas ayaa been abuur ku tilmaamay arrintaas.

Wuxuu sheegay in Baraawe ay xukunto Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo dowladda federaalka ay heysay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Baraawe aan laga hari karin K/Galbeed, isla markaana aysan yeeli doonin taas.

“Maamulka iyo ciidamada amniga ee magaaladaan waa kuwii shalay joogay, ma jiraan wax soo kordhay, hadalada soo yeeraya waa been abuur, dadka beentaas baahinaya waxaan leeyahay dalkiina u tura,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baraawe.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Dowlada Soomaaliya waa federaal, Baraawe waxay hoos tagtaa Koonfur Galbeed, wax dhibaato ah kama geysan dowladda dhexe, halkaan kama taagna wax buuq ah.”

Hadalka guddoomiye ku xigeenka Baraawe ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dowladda federaalka iyo K/Galbeed ay ku hardamayaan magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay hor istaagtay qorshe halis ah oo Itoobiya iyo Maamulka Laftagareen ay iska kaashanayaan, qorshahas ayaa ciidamo badan lagu geynayaa magaalooyinka Baraawe, Marka iyo magaalooyinka kale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Itoobiya iyo Laftagareen ayaa qorsheeyey inay ciidamo badan diyaarado uga soo qaadaan Baydhaba, isla markaana ka dejiyaan Baraawe, balse dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay, kana hortagtay qorshahaas.

Laftagareen ayaa qorsheynaya inuu qabto doorasho u dhaceysa sida uu rabo, halka dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in hadii Laftagareen uu qaba waayo doorasho rasmi ah ay doorasho kale ku qabato Baraawe

WARARKA