Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAAHIN 6 Qof oo Lagu dilay Weerar Lagu qaaday Masaajid ku yaala Magaalada Wardheer.

Arbaco 18-Sept-2024 {HMC} Magaalada Wardheer Masaajid ku yaala waxaa Xalay lagu dhex laayay 6 Dhalinyaro ah oo Xer ah oo Masaajidka wax ka baranayay, kuwaas oo Rasaas lala dhacay halkiina ku wada Geeriyooday.

Dil Wadareedkan ayaa la Rumaysanyahay inuu Salka ku hayo Aano Qabiil, waana dhacdo aad u Xanuun badan oo shacabka Reer Wardheer Saaka ku waabariisteen.

Lixda Dhalinyarada ah ee Xalay Ragga Hubaysani Masaajidka ku dhex dileen 5 kamid ah waa Isku Qoys/Jifo, halka midka 6aadna uu Jifo kale yahay sida wararku sheegayaan.

Waxaa Maagalaada Wardheer iyo Deegaanada Hoos yimaado laga Dareemayaa Saan saan Colaadeed

maanta ayaana lagu wadaa in dhalinyaradaan lagu aaaso magaalada Wardheer

Dhalinyarada Aqoonyahanada ah oo loo dilo Aanooyin qaabil ayaa Mudooyinki lasoo dhaafay Si wayn ugu dhax jirtay Soomalida Dhaxdeeda Waa Dhaqan lagu Dabatgooynaayo Dadkii indhaha u ahaa Bulshada

WARARKA